Dab Qabsaday Guri Ku Yaala Xaafada Shacabka ee Magaalada Hargeysa
Dab qabsaday guri weyn oo daara , kana koobnaa sagaal qol oo ku yaala xaafada Shacabka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta ciidanka Dab-demisku u gurmadeen.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo daminta dabkaas oo ahaa mid ku fidaayey qolalaka guriga iyo guryihii u dhawaa, waxaana ciidamadu ka badbaadiyeen guryo kale iyo hanti badan oo iskugu jirtay gaadiid iyo hantidii taalay gurigaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay.
Ciidanka Booliska ayaa iyaguna dhankooda si dhakhso ah hawlgalkaa u soo gaadhay goobjoogna ahaa.

