Guux Iyo Dareenno Siyaasaddeed Oo Uu Durba Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Ka Dhex Istaadhay Xisbiga KULMIYE

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Madaxweyne Biixi Oo Muddooyinkii U Dambeeyey Aad Ugu Kala fogaadday Dhinaca Siyaasadda, Gaar Ahaan Xisbiga Muxaafidka ah Ee KULMIYE Dhexdiisa, Ayaa Maalmihii U Dambeeyey Warbaahintu Shaacinaysay Inay Isku Soo dhawaaddeen, Kadib Markii Ay Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Ee Beesha Galbeedka Hargeysa.
Dareenkaasi Wuxuu Keenay Inuu Durba guux Siyaasaddeed Ka Dhex Istaadhmo Xisbigiisa KULMIYE. Iyaddoo Ay Si Weyn-na Isu bahaysannayaan Wasaaradda Bariga Burco Ugu Jira Xukuumadda Madaxweyne Biixi, kuwaasoo sas Weyn Ka Qaba Inuu Biixi damacsan Yahay Inuu Amar Ku riddo ah Inay Wasiiraddani Ku daba faylaan Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Uu Xisbiga KULMIYE Guddoomiyenimaddiisa Uu Ku Wareejiyinayo.
 Kulankan Wasiiraddan Oo Siyaasadda Guddaha Ee Xisbiga KULMIYE Xoog Ugu Kala Duwannaa Markii Hore, Ayaa Wakhtigan u Muuqda Qaar Ay duruufaha Siyaasaddeed Isku qasabtay, Kadib Xaashiga Guddaha KULMIYE Ugu Soo Galay Iyo Dareenka Ay qabaan Qorshaha Uu maagan Yahay Madaxweyne Biixi .
Saska Wasiiradda Bariga Burco Ugu Jira Xukuumadda Madaxweyne Biixi, Ayaa shirar Gaar Ah Ku Yeeshay Magaaladda Hargeysa, kuwaasoo Warbaahintanna Soo Dhigay SAWIRRO Muujinaya Dareenka Ay Ka Qaaddeen Xaashiga Guddaha KULMIYE Ugu Soo Galay. Iyagoo Ka cabsi Qaba Inuu Biixi Go’aan Kii Siilaanyo Oo Kale ah dusha Kaga keenno Ee Biixi Yidhi Ku daba fayla.
Sawirka Wadda Jirka Ah Ee Ay Soo Wadda Galeen Wasiiradda Xukuumadda Somaliland Ugu Jira Bariga Burco. Iyaddoo Ay Jiraan Xogo Muujinaya Shaacanna Ka Qaadaya Inay Jiraan Caddaadis Lagu Hayo Madaxweyne Biixi, Gaar Ahaan Siyaasiyiin Iyo Ganacsatadda Beesha Galbeedka Hargeysa kasoo Jeedda, kuwaasoo Biixi Ku Caddaadis Ku Saaraya Inuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Ku Wareejiyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi. Siddii Uu Madaxweyne Siilaanyo Sameeyey Oo Kale Ee Uu Amarka Ku Siiyey Siyaasiyiintii Ay Isku Beesha Ahaayeen Inay Muuse Biixi Cabdi Ku daba faylaan.
Wasiiraddan Shirarka qarsooddiga Ku Yeeshay Xalay Magaaladda Hargeysa, Ayaa Kala Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Xisbiga KULMIYE, Horumarinta Biyaha Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, Caddaaladda Saleebaan Warsame Guulleed Iyo Laba Wasiir Ku Xigeen.
Wasiurka Arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Xisbiga KULMIYE Iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) Oo Ay Labaddoodduba mid dhiniciisa Uu Guclo orod Ugu Jiray in Lagu Wareejiyo Guddoomiyenimadda Xisbiga KULMIYE. Iyaddoo Xubnaha kale Ee Wasiiraddanna La Kala safnaayeen, Ayaa Hadda u Muuqda Qaar Ay duruufaha Iyo Dantu Isku Keentay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker