Soomaalidu ma waxay jeceshahay reer Jabbuuti Mise Hoggaamiyahooda?

Dadka Soomaalida Jabbuuti, in Soomaalida ku nool Afarta Kale ee Soomaalidu degto ay jeclaadaan, waxaa u sabab ah oo qudha, arrin siyaasadeed, iyaga oo doonaya in ayna gacantooda ka bixin awoodda hoggaamineed ee Soomaalida Jabbuuti hantiday, tan iyo intii ay xorriyadda ka qaateen gumaystihii Faransiiska, June 1977kii.

Dadka badankoodu ma kala jecla Hoggaankoodii hore, kan iminka jooga iyo ka iman doona, waxayna ugu dhan tahay in uu Soomaali yahay oo qudha. Ma jiro kuwa ay Soomaalida isugu dhow yihiin ee reer Soomaaliland in ay Tolnimo gaar ah ama Xididnimo ay la wadaagaan Madaxweyne Geelle ay marnaba kaga soo dhaweysanayaan dadweynaha reer Jabbuuti. Waxay dhammaan Soomaalida ugu dhantahay quruxda, nabadda iyo horumarka ay xasiloonida siyaasadeed ee ay Africa badankeeda dheeryihiin ku kasbadeen.
Madaxweyne Geelle waxaa la gudboon in siyaasiyiin shiraban, Waddaniyiin tudhaale leh uu dadka hor keeno, si nabadda halkaa uu ku soo simay ay uga sii amba qaadaan. Haddii dadweynaha Soomaaliyeed ee khibradda u leh hoggaamiye yidhaahda ‘ ma qof i bedeli kara ayaa Jira ‘ iyo waxa ka dhasha og, waxay iyaga oo ilmaynaya canaanan lahaayeen, marna baryi lahaayeen mudane Geele inuu u talo badsado qaabka uu wax u wado. Mudane Madaxweyne dadkayaga waanu jecelahay, waxaanuna la jecelahay Caddaalad iyo aayahooda oo ay si xor ah uga tashadaan. Qofka taariikhda aan wax ka baran, waa sidii ciyaartii carruurta ee ” indho li’i dhego li’i “.
Gacmihii walaalaha ahaa weysku gunudeene,
Gurmashadu markay ku habsameyd waad gilgilateene,
Anana geesinimo iyo noo tarte garab ku taagleyne.
Abwaan Qaasim ( illaahow u naxariiso ).
Bashiir Tarabbi Oogle,
Burco, Soomaalilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker