Dowladda Soomaaliya oo si adag uga hadashay duqeynta isbitaalka Qasa
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay duqeyntii xalay lala beegsaday isbitaalka Al-Ahli ee magaalada Qasa, halkaa oo la sheegayo in dad ka badan shan boqol oo qof ay ku dhinteen.
Dadka dhintay waxaa ku jira carruur iyo haween, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku sheegtay qoraalka ay soo saartay in masโuuliyadda dhibaatada halkaa ka dhacday ay Isreal qaadayso.
Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya oo ku qornaa Af-Carabi ayaa lagu yiri:, โWaxa ay Israaโiil ka samaynayso Qaza waxa loo arkaa xad-gudub bareer ah oo aan sabab lahayn iyo fal ka hor imanaya xeerarka caalamiga ah iyo xeerarka iyo qiyamka biniโaadantinimo oo uu jiro sharciga biniโaadanimo,โ.
Soomaaliya ayaa Israaโiil ugu baaqday in inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah isla markaana si shuruud laโaan ah oo degdeg ah loo joojiyo dagaalka.
Sidoo kale Soomaaliya ayaa ku baaqday in la furo waddooyinka gargaarka si mucaawino loo gaarsiiyo dadka reer Falastiin ee u baahan gargaarka degdeg ah.