Wasiir Cabdilahi Abokor oo Saxeexii ka Joojiyey Agaasimihiisa guud iyo Khilaaf Hadheeyey Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka, Agaasime Cumar-sayid

Khilaaf ba’an ayaa soo kala dhex-galay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, Cabdilahi Abokor Cismaan Iyo Agaasimihiisa guud, kuwasoo isku maandhaafay arrimo la xidhiidha shaqada wasaaraddu qabato oo iskaga qasantay hawlaha ay u kala idman yihiin.
Khilaafkan u dhexeeya masuuliyiinta ugu saraysa Wasaaradda horumarinta jidadka iyo gaadiidka, ayaa labadii todobaad ee u dambeeyey maalinba maalinta ka dambaysa cirku isku sii shareeraayey, kaasoo aakhirkiina sababay in Wasiir Cabdilahi Abokor saxeexii ka joojiyo Arbacadii todobaadkan 24-kii bishan Agaasimihiisa guud Cumar C/laahi Aadan (Cumar-sayid).
Wararku dhow-dhow Wasiirka iyo agaasimaha, ayaa iftiimiyey in labada masuul isku maandhaafsan yihiin awoodaha shaqo ee xafiisyadoodu u kala xil-saaran yihiin, kuwasoo midba kan kale uu aaminsan yahay inuu shaqadiisi qabanaayo. Taasina waxay sabaabtay in Wasiir Cabdilahi Abokor shaqo ka joojin ku sameeyey agaasimihiisi.
Dhinaca kale, agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Cumar-sayid ayaa la sheegay inuu ilaa shalay Khamistii ku hawlanaa sidii uu Madaxweynaha uga ashkatayn lahaa wasiirkiisa, hase-yeeshee wararku waxay sheegeen inuu la yahay awood uu ku arko Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana uu ku galo qasriga Madaxtooyadda.
Si kastaba ha ahaatee, maha khilaafkani kii ugu horeeyey ee soo kala dhex gala Wasiir Cabdilahi Abokor iyo masuuliyiinta hoosyimaada Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka oo iyaddu ah wasaarad cusub oo jirtay mudadaa 7-da bilood ee Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi jirtay , hase-ahaatee Wararku waxay sheegayaan inay tahay markii 3, waxana hore khilaaf usoo kala dhexgalay wasiir Cabdilahi Abokor iyo Maareeyaha Madaarada duiliye sare Rodol iyo sidoo kale maareeyaha Wadooyinka, oo labadooduba ku magacaaban digreetooyin Madaxweyne. Khilaafyadaas ayaa la sheegay in aan weli xal laga gaadhin dhamaantood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker