Golaha Degaanka Ceerigaabo Oo Doortay Maayir iyo Maayir Ku Xigeen Cusub

Mudaneyaasha Golaha Deegaanka ee degmada Ceerigaabo ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku doortay Maayarka iyo maayar ku xigeenka magaalada Ceerigaabo.

Maayarka Ceerigaabo ayaa dib loogu doortay Maayarkii hore Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo ka soo baxay Xisbiga WADDANI, halka Maayar ku xigeenka loo doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Gaadhi-jiid) oo ka soo baxay Xisbiga UCID.

Maayar Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa helay 11 cod, halka Maayar ku xigeen Cabdiraxmaan Gaadhi-Jiid Helay 11 Cod taas oo ka dhigan in Isbahaysiga Mucaaradka ee WADDANI Iyo UCID ku guulaystay hoggaaminta Golaha Deegaanka Ceerigaabo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker