Daadadkii ugu ba’naa oo ku dhuftay dalka Japan

Saddex qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa la la’yahay kadib daadad ku dhuftay koonfur-galbeed ee Japan kuwaas oo ay sababeen roobabkii “ugu cuslaa” ee gobolka ka da’a.

Wabiyada ayaa buux dhaafay, buuraha ayaa soo dumay iyadoo roobab aad u badan ay ka da’een qeybo ka mid ah jasiiradda Kyushu.

Waddooyinka ayaa burburay iyada oo xaragaha korontadu ay go’een, waxaana kumannaan kun lagu amray in ay isaga guuraan maadaama la filayo in roobab kale ay da’aan.

Satoshi Sugimoto, oo ka tirsan wakaaladda saadaasha hawada ee Japan, ayaa sheegay in uu rumaysan yahay in roobabku ay ahaayeen “kuwii ugu cuslaa ee abid soo mara” gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker