Daawo: Qaabkii Madaxwaynaha JSL Loogu Soo dhaweeyay Wadanka Jabouti
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi balaadhan uu Hogaaminayo aayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti.
Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirada Wasaaradaha Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Jabuuti .
Madaxwayne Muuse Biixi ayaa intuu magaalada Jabuuti joogo la filayaa in kulamo gaar ah la qaato Madaxda dalkaasi ayna kawada hadlaan xidhiidhka labada dhinac ka dhaxeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa iyo arimo kale .
Madaxweynaha Somaliland ayaa socdaalo dhawr ah Ku Tegay qaar kamid ah Wadamada dariska la ah Somaliland , waxaanuu dhawaan Safar Xiisad Siyaasadeed abuuray ku tegay dalka Kenya halkaas oo uu kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.