Israa’iiliyiin codsanaya in dib loosoo celiyo maxaabiistii ay Xamaas qafaasheen
In ka badan 240 la haystayaal ah ayaa 7-dii Oktoobar lagala baxay guryahooda ama goobahooda shaqo ee ku xiga marinka Gaza, lagana soo qaatay saldhigyo ciidan iyo xaflad qoob ka ciyaar oo bannaanka ah.
Waxa ku jiray ilaa 30 carruur ah, oo kan ugu yar uu jiray sagaal bilood. Laakiin tan iyo markii dableyda Xamaas ay u kaxeeyeen Gaza, inta badan wali lama oga xaalkoodu sida uu yahay iyo halka ay ku dambeyn doonaan.
Israa’iiliyiinta oo la daalaa dhacaya wixii kasoo gaaray dagaalkii bishii hore, weli waxa ay la xanuunsanayaan dadka ka maqan.
In kasta oo tani ay tahay tii ugu weynayd, sannadihii la soo dhaafay, Israa’iil waxay u adkaysatay dhibaatooyin badan oo afduub la xiriira.
“Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil waxay si cad u diiday xabbad joojin, iyada oo ku doodaysa in Xamaas ay u isticmaali doonto inay dib isu abaabulaan.
Horraan Israa’iil waxa ay sameysay maxaabiis kala beddelasho, iyadoo ninka hadda hoggaamiya Xamaas uu kamid ahaa maxaabiis Iraa’iil ay heysay oo markii dambe ay kuwa kale kaga beddelatay Xamaas.