Somaliland: Golaha Wakiilada 15-jirsaday Oo Shuruud ku Xidhay inay Kuraasida Banneeyaan
Hargeysa (OWN)- Golaha Wakiilada Somaliland oo xilligan jira 15 sanno oo ay kuraasida fadhiyeen tan iyo markii la doortay sannadkii 2005-tii, ayaa sheegay inaanay ansixinayn odoroska miisaaniyadda 2021-ka, haddii aanu ku jirin kharash lagu anba-bixinayo oo ay kuraasida ugu banneynayaan xildhibaannada ku soo bixi doona doorashada golaha wakiillada oo Sannadka dambe ka qabsoomi doonta dalka.