Golaha Wasiirada Cusub ee Puntland oo Maanta la Ansixiyay

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa kulan aan Caadi aheyn waxa ay maanta ku yesheen Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntlnad.

Fadhiga 19-aad ee lagu ansixinayo Golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo ku-xigeenadiisa, mudanayaasha Golaha Wakiillada Puntland, Golaha Wasiirada cusub ee Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa khudbad muhiima ka horjeediyey Golaha Wakiillada Puntland taasi oo uu kaga hadlayo arrimo ay kamid ahaayeen siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland.

“Mudanayaal iyo murwooyin isbedelkii dhacay Janaayo 08 2019 wuxuu kusoo beegmay xili baahiweyn looqabey tayaynta hay’addaha dowliga ah iyo dardargelinta adeegyada bulshada, dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka iyo midnimada. Waxaa sidoo kale la socotaan in culaysyo amni iyo dhaqaale xumo soo jiitamayey mudooyinkii u danbeeyey ay gud ahaan hadheeyeen xasiloonidii iyo kobicii dhaqaalaha ee deegaanada Puntland, waxay keentay in cadawyo badani kusoo dhiiradaan deegaanada Puntland iyagoo beegsanaya nabadgelyada, dhaqaalaha iyo midnimada guud ee dadka reer Puntland, waxaa tusaale inoogu filan duulaanadii is-xigxigey ee Tukaraq, Suuj, Garmaal, Garacad, Qandala, buuraha Calmadaw iyo Calmiskaad.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in xukuumadda cusub ay ka mira dhalindoonaan balanqaadyadii uu u sameeyey shacabka Puntland xiligii ololaha doorashada, waxaana uu tilmamay Madaxweynuhu inuu dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada.

“Anaga oo ka ambaqaadayna balanqaadyadii aan samaynay xiligii doorashada xukuumadda cusub ee aan soo dhisnay waxay xooga saaridoontaa ka mira dhalinta iyo fulinta balanqaadyadii nala ku doortay, waxaan dib u habayn mugleh ku samayndoonaa Amniga, Cadaaladda, Dhaqaalaha, Siyasadda iyo arrimaha bulshada, anaga oo aasaas ka dhiganayna tayaynta hay’addaha dowliga iyo saraynta sharciga si horumar walba oo la gaadho uu u noqdo mid joogtaysan oo aan ku xirnayn qof ama cidgooni ah.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa balanqaaday in si baaxadle xukuumadda Puntland wax uga qabandoonto arrimaha Amniga, hirgelinta isbedel siyaasadeed iyo tayaynta hay’addaha dowladda , Dib u habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha, tayaynta adeegyada Bulshada, arrimaha garsoorka, daryeelka degaanka, horumarinta arrimaha dhalinyarada iyo arrimaha haweenka.

????????????????????????????????????

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker