Jigjiga: Dawladda oo markii u horraysay ka hadashay dad ay Liyuu Booliis laayeen

Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya waxaa labadii maalmood ee u dambaysay ka taagnayd xiisad ka dhalatay dad la sheegay in ciidammada Liyuu Boolisku ku laayeen tuulada Gabrro-yarey ee degmada Xaraarray.

Dadkii dhaawaca culus qabay ayaa loo qaaday isbitaalka Jigjiga kuwii halkaa wax lagaga qaban waawayna maanta ayaa loo gudbiyey dhanka Addis Ababa.

Haddaba waxaa dhacdadaas markii ugu horraysay ka hadlay hoggaanka nabad gelyada ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mubaarak Sheekh Cumar Dhuuxweyne oo u warramay weriyaha BBC-da Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker