War Degdeg ah: Puntland Oo Weerartay Badhasaabka Gobolka Badhan Ee Somaliland Gaadiid Uu Watey Oo Laga Qabsaday Rag Lalaayey iyo Qaar Lagu gedaaman yahay

 

 

Ceerigaabo(OWN) ciidammo katirsan maammulka Puntland oo uu hoggaaminayo sarkaal lagu magcaabay Citinle ayaa waxay gelinkii hore ee manta aagga degaanka Hadaaftimo oo katirsan degaannada Sanaag-bari waxay ku weerareen Badhasaabka gobolka Badhan dhowaan u magcawday xukuumadda Somaliland Maxamuud Xaammud Cumar kaasi oo kaddib laba maalmood kahor oo uu kasoo laabtay dhinaca Hargeysa subaxnimadii hore ee saaka ka ambabaxay magaalada Ceerigaabo unasii jeedey magaalada Badhan ee gobolka Badhan ee degaanka Sanaag-bari.

 

Ciidammadan ayaa waxay ka warheleen badhasaabkaas oo watey gaadhi GT Lambarkiisu yahay 1398 iyo hal gaadhi tekniko qori saran yahay ah waxayna weerareen intii aanu gaadhin halkaas waxana inta lahubo khasaare weerarkas kadhashay lasoo sheegay badhasaabka oo gaadhigiisii iyo gaadhigii teknikada ahaaba laga qabsaday, dhimashada inta lahubona hal nin iyo tiraba afar kale oo dhaawac ah kuwaasoo dhammaantood dhinaca wasiirka ah, iyo dhinaca Puntland oolasheegayo hal askari oo dhimasho iyo hal dhaawac ah, halka warar kalena sheegayaan in tirada dhimashadu tahay afar nin oo qaarkood saraakiil yihiin, dhaawacuna ka badan yahay afarta qof ee lasoo sheegay. Waxana wararku intaas ksuii darayaan in wasiirka iyo wixii ka fayoobaa ilaaladiisaba ay ku dhuumanayaan gudaha magaalada Hadaaftimo.

 

Dhinaca kalena arrrintan ayaa ugub ku ah degaannada Sanaag-bari oo horeba ay u tegi jireen mas’uuliyiin ka kala socda Somaliland, Puntlan iyo Soomaaliya intaba haseyeeshee aanay marnaba dhici jirin isku dhac noocan oo kale ah iyo khasaare intan le’eg toonna, waxana suurtagal noqon karta in rabshadaha noocan oo kale ahi kusii fidaan qaybo kale oo degaannada Sanaag-bari ah.

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker