Maayar ku Xigeenka Ealing (London UK) oo la Kulmay Madaxda Arrimaha Gudaha

Kulan aqooneed xog is waydaarsi ah ayaa shalay dhex maray wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, maayar ku xigeenka golaha deegaanka degmada Ealing Council ee magaalada London Dr. Cabdillaahi Xaahi Axmed Guuleed iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Kulankan oo la xidhiidhay barnaamijka horumarinta dawladaha hoose ee Somaliland, waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socdasy dawladaha hoose, agaasimaha wasaaradda arimaha gudaha ee gobolada iyo dogmooyinka Axmed Cabdi Nuur iyo agaasimaha waaxda ammaanka ee wasaaradda arrimaha gudaha Mukhtaar Maxamed Cali.

Prof. Iid Cali Axmed oo la taliye ka ah wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, ayaa warbixin ka soo jeediyay kulankaasi waxaanu sharraxay ujeedada madashan, oo la xidhiidhay sidoo wax looga bedeli lahaa nidaamka horumarinta golayaasha deegaanka Somaliland, isla markaana looga dhigi lahaa mid casri ah. Isla markaana golayaasha deegaanka dalku ay uga faa’iidaysan lahaayeen khibradda uu leeyahay horumarinta, isku xidhka iyo maamulka dawladaha hoose.

Maayar ku xigeenka golaha deegaanka degmada Eagling Council ee magaalada London Dr. Cabdillaahi Xaashi Axmed Guuleed, ayaa ah aqoon yahan khibrad dheer u leh barnaamijyada horumarinta golayaasha deegaanka, waxaanu muddo dheer guddoomiye u soo ahaa guddiyo kala duwan oo ka tirsan golayaasha deegaanka degmooyinka London, waana khabiir shahaadada PHD ku qaatay cilmiga diyaarinta dawooyinka, waxaanu hadda yahay guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka degmada Eagling Council ee magaalada London.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker