Golaha Wakiillada JSL Oo Ansixiyey Dakhliga Iyo Kharashaadka Dheeraadka Ah Ee Dawladda

Golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ansixiyey dakhliga iyo kharashaadka dheeraadka ah ee aan ku jirin xeerkii miisaaniyadda ee la ansixiyey.

Fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golahaasi mudane Baashe Maxamed Faarax, waxay mudaneyaashu cod gacantaag ah ku ansixiyeen hadhaagii dakhliga khasnada dawladda ee sannadkii 2019, iyada oo ay ogolaadeen afartan mudane, waxa diiday hal xildhibaan, halka uu ka aaamusay hal mudane guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayaanu ku ansaxay xeerkaasi, taas oo ah qadar lacageed oo shan boqol iyo konton bilyan shan boqol iyo shan iyo sideetan milyan boqol iyo kow iyo todobaatan kun boqol iyo kow iyo todobaatan shillin (55,585,171,171).

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker