Qaar Ka Mid Ah Weedhaha Taariikhda Galey Ee Laga Qorey Robert Mugabe

Qaar Ka Mid Ah Weedhaha Taariikhda Galey Ee Laga Qorey Madaxweynihii Afrikaanka Ahaa Ee Robert Mugabe Ayaa Waxa Ka Mid Ah.

1-Gabadh kaa dheer hadaad doonto inaad shukaansato waa sidii adoo doonaya inaad tuushka biyo ka cabto.
2-haddii aad aragto lamaane afrikaan ah oo xaafada horteeda ku laydhsanaya ha u malaynin jacayl ee korontadii ayaa ka tagtay.
3-haddiiba aad aragto nin xaaskiisa markay dagayso daaqada ka furaya kama aha jacayl ee gaadhigaa cusub ama gabadha.
4-haddii la xidho meheradaa lagu gado make upka caruur badan ayaan waalidkood aqoonsadeen.
5-wiilka aad saaxiibka tihiin marka aad tusayso gabdhaha aad la sheekaysato waa sidii adigoo hilib siinaya waraabe.
6-waalidka afrikaanku waa kuwa intay ku dhangadeeyaan hadana ku weydiinaya sababta aad la ooyayso.
7-aynu runta isu sheegnee marka la leeyay nin kasta oo guul gaadha gabadh ayaa ka dambaysa maaha ta lala sheekayto ee waa hooyadii.
8-wiilasha afrikaan ku jacaylka waxba kama yaqaanaan mid bay xaaskiisu barkin kusoo tuuraysaa markaasuu isna mindi ku eryanayaa.
9-afrika waa meesha qudha ee wiil san weyni gabadh ku odhanayo la’aantaa ma neefsan karo.
10-dadka kubada daawadaa waa dad qossol ah, waxaad arkaysaa mid leh ciyaartoy baanu kusoo iibsanay intaasoo milyan isagoo xataa wuxuu ku casheeyo aan haysan.
11-haddii daanyeeradu maal qabeen ahaan lahaayeen waxa la arki lahaa gabdho badan oo duur joog ah.
12-gabadh kastaa waxay leeday laba nin oo ay la sheekaysato midi waaka ay jeceshay midna waa cashier-keeda ama ATM-keeda ay lacagta ka shubato.
13-gabadha aad u dirto saddex dollar ee hadana isla markiiba miss call-ka kugu soo gasha guurso waa gabadh taqaana dhaqaalaynta lacagtee.
14-dhibaatooyinka afrikaan waxa ka muda; haddii la yidhaa qofna dibeda uma soo bixi karo oo waa bandoo, qof walbaa wuu soo baxayaa bal si uu u eego inay cidi soo baxday.
15-waan iska dhaafay daawashada aflaamta afrikaan ku matalaan, markaan arkay gabadh afrikaana oo ninkeeda cuntada ugu daraysa sun hadana dhadhaminaysa bal inuu sun leeyay
16-Inaad foolxumaato dhibaatooyinka ay leeday waxa ka mida; haddii nin qurux badan oo kula jooga dhuuso ka baxsato dadkoo dhami aday kusoo wada eegayaan.
17-Haddii aad guursato gabadh saaxiib nagala ah facebook dhammaantaano waxaad noo tahay seedi.
18-Dalalka faqiirka ahi waa kuwa ay ugu dhaadheer yihiin heesahooda qaranku waayo waxay ku sharaxayaan dhibaatooyinka haysta.
19-waxyaabaha aan guurka ku nacay waxa ka Mida; adigoo saq dhexe hurda ayaa lagu odhanayaa mas ayaa guriga soo galay ee kac oo dil adoo xataa jiirka ka baqa.
20-Waalidka afrikaanku waa kuwa ku odhanaya kac oo qaad weelkay wax ku cuneen oo gee jikada, hadana ku bada soconaya si ay jikada uga soo faraxashaan.
21-Hablaha gaagaaban ee iyagoo kalyaha is haya sawirada galaya waxaan leeyahy joojiya, markaan idin arko waxaan soo xasuustaa bakeeriga shaaha ee dhagta lehe.
22-Afrika waa meesha qudha ee sidaad shaqo u raadinayso ay shaqo raadintu noqonayso shaqadaada.
23-Qof dhiirrigaliye ah hadaad ku tidhahdo sideen ku guuleysan karaa wuxuu ku odhanayaa, ” ugu horayn naftaada hel”
Tolow walaal xageen ku dhuumanayay?
24-Markay afrikaan ku lacag yeeshaan waxay caafimaad u aadaan jarmalka. Waxay lacagta dhigtaan iswiisarlaan, waxay u dalxiis tagaan kanada, haddii ay dhintaana waxay doonayaan in dhulkoodii hooyo lagu aaso, afrika ma qubuuraa markaa?
25- Afrika markaad joogto uma baahnid inaad saacada jaraskeeda ku xidhato si ay kuu toosiso, mushkiladahaaga ayaa ku kicinayaba.
27-Walaalkayow ha guursan gabadh carmal ah oo cunug wadata, lama arag ciyaar gool iyo eber ku bilaabmatee

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker