Ciidanka Dab-demiska Oo Damiyay Dab Ka Dhashay Transformer Magaalada Hargeysa
Ciidanka Dab-demiska ayaa caawa damiyay dab weyn oo ka dhashay Transformer, kaasi oo u dhawaa xarunta Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ee badhtamaha suuqa gaar ahaan qaybta Iibka.
Gurmad loo dhanyahay ayaa Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ee taliska dhexe iyo xarumaha Maxamuud Haybe, Koodbuur iyo Macallin Haaruun ugu soo baxeen goobtaas gaadiid Dab-demis oo gaadhaya 8 Gaadhi ,waxaana ciidamadu ku guuleysteen inay xakameeyaan dabkaas, kaasoo khatar ku ahaa ganacsiyo tiro badan oo ku dhawaa halka dabku ka kacay.
Ciidanka Dab-demiska wuxuu farayaa dadweynaha iyo wadayaasha gaadiidku inay ka fogaadaan marka ay arkaan khatar dab, waxaana suuragala in halis ama waxyeelo ka soo gaadho muwaadiniinta, madaama oo dabkani ahaa ( High Voltage) khatartiisuna sii badan karaysay.
Sidoo kale waxay tani caqabad ku noqonaysaa in Ciidanka Dab-demisku si habsami ah u qabsado hawlihiisa shaqo.
Ciidamada Booliska caasimada Hargeysa ayaa dhankooda qabtay shaqo adag, waxay sugayeen dhinaca amaanka goobta. Ciidanka Booliska ayaa had iyo goor markasta Dab-demiska kala shaqeeya hawlgal kasta.
Dhinaca shirkadda Telesom qaybta Korontada ayaa dhankooda Ciidanka kala shaqeeyay hawlgalkan.


Xafiiska Warbaahinta CDQ