Guddoomiyihii Gobolka Mudug Ee Puntland Oo Qarax Lagu Dilay

Wararkii ugu danbeeyey ee  qarax ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasi oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo qaar ka tirsana ilaaladiis.

Qof isa-soo miidaamiyay oo watay mooto bajaaj ayaa isku qarxiyay gaadhiga uu saarnaa guddoomiyaha waxaana halkaas ku geeriyooday marxuum guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka tirsanaa ilaaladiisa gaar ka ahaa.

 

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in gaadhiga guddoomiyaha qaraxaas lala beegsaday xilli uu marayay nawaaxiga xarunta gobolka oo uu markaasi ka baxay.

 

Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ay dileen guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka tirsan ilaaladiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker