Dawladda Maraykanka Loogu Baaqday Inay Magdhow Siiyaan Dadkii Somalia ay Ku Waxyeeleen

Hay’adda xuuquuqda Aadanaha ee Amnesty international ayaa fariin u dirtay Milatariga Mareykanka inaanay gacmaha ka laaban waajibaadka caalamiga ah ee ka saaran dhibbanayaasha rayidka ah ee ku waxyeelooba weerarada cirka ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya.

Amnesty International ayaa hadalkeeda kusoo beegtay, ka dib markii ay ku dhawaaqday Pentagon-ka in ciidamada Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya laga saari doono ugu dambeyn Janaayo 2021.

Amnesty ayaa ka dalbatay AFRICOM in la hubiyo caddaaladda iyo magdhawga dhibbanayaasha rayidka ah ee xadgudubka sharciga caalamiga ee bani’aadamnimada ka hor inta aany ka bixin Soomaaliya,

Tan iyo markii madaxweyne Trump uu xukunka qabtay 2017, AFRICOM waxa ay kordhisay dagaalka cirka ee ay ka waddo Soomaaliya, iyada oo wadar ahaan qaadday 196 duqeyn cirka ah, iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

 

Source:
https://www.amnesty.org/en/latest/news/2020/12/somalia-us-must-not-abandon-civilian-victims-of-its-air-strikes-after-troop-withdrawal/

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker