Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Safiirka Dawlada Taiwan Kala Wareegay $500,000 Oo Abaaraha

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, ayaa safiirka waddanka Taiwan u fadhiya Somaliland ka guddoomay qaadhaan lacageed oo ay kaga qaybqaadanayaan gurmadka loogu jiro dadka abaaruhu saameeyeen.
Munaasibadda wareejinta qaadhaanka lacageed oo qaddarkeedu dhan yahay $500,000(Shan Boqol oo kun oo dollar) oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, ayaa waxa goob-joog ka ahaa xubno kamid ah guddida gurmadka abaaraha iyo madaxda safaaradda Taiwan oo uu hoggaaminayo safiir Allen lou, waxana uu madaxweyne-ku-xigeenku uga mahadnaqay dawladda Taiwan tallaabada lexejeclada leh ee ay u muujisay shacabka reer Somaliland.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhammaanba dalalka kale ee caalamka ugu baaqay inay ku daydaan dalka Taiwan, kana soo jawaabaan baaqooda ku aaddan inay gacan ka geystaan gurmadka abaarta saamaysay gobollo badan oo dalka Somaliland ka mid ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker