Xiisad Ka Dhalatay Safarka Madaxwaynaha Cusub ee.Maamulk Hirshabeelle

Beledweyne (OWN)   Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay xalinta xiisad beryahan dambe ka taagneyd gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,

Taas oo ka dhalatay tegista safar uu magaaladaasi dhowaan ku gaadhayo madaxweynaha cusub ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdulaahi Xuseen (Guudlaawe).

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha nabad sugida gobolkaasi Colaad Cabdullahi Dalabey ayaa booqasho ku tegay deegaanka Ceelgaal oo ku yaalla duleedka Beledweyne,

 

Halkaas oo ay isku Uruusanayeen maleeshiyaad iyo saraakiil hore oo ka soo horjeeday, sida loo wajahay dhisida maamulka HirShabelle.

 

 

Labada dhinaca oo kulan yeeshay ayaa ka wada-hadlay, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaasi, islamarkaana looga shaqeyn lahaa horumarinta HirShabelle.

 

 

Saraakiisha gadoodka waday ee kulanka ka qeyb-galaya ayaa waxaa hoggaaminayey sarkaal lagu magacaabo Janaraal Abuukar Xuud oo ka mid ahaa musharaxiintii ka hartay tartanka doorashadii dhowaan ka dhacday gudaha magaalada Jowhar.

 

 

Ilo ku dhow kulankaasi ayaa Caasimada Online u sheegay inay labada dhinac isku afgarteen in laga wada-shaqeeyo nabadda, wada-hadalna lagu dhameeyo arrinta.

 

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha iyo maleeshiyaadka hubeysan ee abaabulka ka waday Ceelgaal lagu soo celiyey Beledweyne, halkaas oo ay kula kulmi doonaan madaxda dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

 

 

Si kastaba saacadaha soo socdo ayaa  la filayaa in gobolka Hiiraan uu gaadho madaxweyne Guudlaawe waxaana kaga sii horreeyey ku xigeenkiisa Dabageed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker