Siyaasi iyo walaalkiis oo si toos ah loo toogtay iyagoo ku guda jira shir jaraa’id

Siyaasi hore oo u dhashay dalka Hindiya, oo lagu helay fal afduub ah, ayaa si toos ah loo toogtay, isagoo TV-ga ka hadlayey isaga iyo walaalkii.

Atiq Axmed, oo ay booliisku galbinayeen, ayaa isagoo la hadlayay warfidiyeenada, waxaa loogga toogta bistoolad madaxa, xilli uu ku sugnaa Prayagraj, oo loo yaqaano Allahabad.

Kadib markii uu falku dhacay habeenimadii sabtida, ayaa waxaa si deg deg ah isku soo dhiibay saddex nin oo wariyaal iska soo dhigay, kuwaasi oo xabsiga la dhigay.

Wiil dhalinyaro ah oo uu dhalay Axmed, ayay booliisku toogteen maalmo ka hor.

Daraasiin kiisas ah, oo ay ku jiraan afduub, dil iyo baad, ayaa la diiwaan geliyay ee uu ku kacay Atiq Axmed labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Maxkamad maxali ah ayaa isaga iyo labo kale ku xukuntay xabsi daa’in bishii March ee sanadkan, kadib markii lagu helay kiis afduub.

Axmed ayaa horay u sheegtay inay jirto khatar naftiisa uga imanaysa booliiska.

Muuqaalka tooska ahaa, ayaa muujinaya Axmed iyo walaalkii, Ashraf, oo labaduba katiinadaysan, iyagoo saxafiyiinta la hadlaya xilli ay u socdeen baaritaan caafimaad dhanka isbitaal, ilbiriqsiyo ka hor inta aan labadooda la toogan.

Muuqaalkan oo si weyn looggu faafiyay baraha bulshada iyo TV-yada, Axmed, ayaa la weydiiyay inuu ka qeyb galay aaska wiilkiisa iyo in kale.

Erayadii ugu dambeeyay ee uu kamarada ku yiri waxay ahaayeen: “Nama ayan qaadin ciidanka xabsiga, markaa ma aan tagin xabaasha wiilkeyga.”

Saddexda nin ee loogga shakisan yahay inay weerarka geysteen, ayaa goobta ku yimid mooto, sida ay booliisku sheegeen. Waxaa sidoo kale goobta ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada booliska, iyo wariye ka tirsan warbaahinta.

Ka dib dhacdadii habeenkii sabtida, wasiir Yogi Adityanath, ayaa wuxuu amray in maxkamad la soo taago xubnihii ku kacay dilka, wuxuuna mamnuucay isu imaatinka ballaaran ee degmooyinka gobolka Uttar Pradesh, si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo nabadda.

Khubarada ayaa su’aalo badan ka keenay sida nin lagu dili karo warbaahinta iyo booliiska hortooda. Weriyaha BBC Hindi ee Anant Zanane, ayaa ka soo tabiyey Prayagraj in magaaladu ay ku jirtay xaalad deg deg ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker