Weriye ka warramay xukunka dilka ah ee lagu riday dibadbaxyaasha Iran oo la xidhay

Weriye u dhashay dalka Iran oo wareysatay qaar kamid ah qoysaska eheladooda lagu riday xukun dil ah ayaa la xiray, sida laga soo xigtay xaaskiisa iyo warbaahinta Iran.

Mehdi Beik ayaa xabsiga loo taxaabay habeenkii Jimcaha sida uu ku warramay wargeyska ka hadla arrimaha isbaddalka ee Etemad oo uu shaqeynayay Beik.

Lama ogo sababta loo xiray balse waxay arrintan imaaneysaa xilli ay socdaan howlgallada dowladda ee ka dhanka ah dibadbaxyaasha Iran.

Iran waxaa gigilay dibadbaxyo socday biloyin tan iyo markii gacanta booliska ay ku geeriyootay gabadh kasoo jeeda kuridada Iran.

Xaaska Mehidi Beik, Zahra waxay Twitter-ka soo dhigtay in seygeeda ay xireen ciidamo ka socda wasaaradda warfaafinta isla markaana ay qaateen Laptop-kiisa iyo qalab kale uu sitay.

Saaxibadii iyo weriyeyaasha ayaa caro ka muujiyay xiritaanka weriyaha, waxayna qoraallo ay ku taageerayeen Mehdi ay soo dhigeen baraha bulshada.

Kooxaha u dodo xuquuqul insaanka ee fadhigeedu yahay dalalka dibadda ayaa ku warramay in ugu yaraan 516 oo kamid ah dadkii dibadbaxyada ka dhigayay Iran ayaa la dilay halka la xiray in ka badan 19kun oo qof, waxaana ku dhintay 68 kamid ah ciidamada amniga.

Wakaaladda wararka ee AFP, ayaa ku warrantay in laba kamid ah dadkii bannaanbaxyada dhigayay ayaa la dal-dalay halka 12 kalena lagu riday xukun dil ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker