Ciidamada qowmiyadaha Armenia oo aqblay shuruudaha Ruushka ee xabad joojinta

24 saacadood ka dib markii ciidamada Asarbayjan ay weerar ku qaadeen Nagorno-Karabakh, ciidamada qowmiyadaha Armenia ayaa ogolaaday shuruudaha Ruushka ee xabad joojinta.

Mid ka mid ah dalabaadka muhiimka ah ee ay aqbaleen ciidamada Karabakh ayaa ah soo jeedinta hub ka dhigis oo dhameystiran.

Ilaa 120,000 oo Armeniyiin ah ayaa ku nool deegaanka South Caucasus, oo caalami ahaan loo aqoonsan yahay qayb ka mid ah Asarbayjan.

Saddex sano ka hor, Azerbaijan ayaa dib u qabsatay degaannada Karabakh iyo nawaaxigeeda waxayna Talaadadii dalbatay inay si buuxda isu dhiibto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker