MWX – Saylici iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Socdaa ku Galaa Bixiyay Gobolada galbeedka Somaliland Gaar ahaana Magaalada Saylac

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland  oo Mashaariic Horumarineed ka Furay Gobolka Selal oo Hadda Laga Fulinayo.

Qorre Suxufi Sinyoore

Selel (OWN):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),ayaa ka furay magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel mashariic horumarineed oo ay xukuumaddu ka hir gelisay.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku guda jira safarkii kormeerka mashaariicda Maamul daa-dejinta ee JPLG oo galay wajigii saddexaad ayaa markii uu gaadhey  magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel halkaasi waxa lagu qaabilay  weftiga madaxweyne ku xigeenka soo dhoweyn ballaadhan oo ay kala kulmeen bulshada gobolka Selel , gaar ahaan magaaladda Saylac.

 

Weftiga ayaa maray Deeganaada Qolujeed, Boon, Xariirad, Jidhi, Ceelgaal, Caasha caddo iyo Toqoshi oo uu weftiga madaxweyne ku xigeenku mareen ayaa lagu soo dhaweeyey sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku kormeeray mashaariic horumarineed oo laga fuliyey deegamadaasi xadhigana ka jaray dhismayaal cusub sidoo kalena uu dhagax dhigay kuwo kale.

 

Weftiga Madaxweyne ku xigeenku hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salel, halkaas oo uu madaxweyne ku xigeenku kulan kula qaadan doona masuuliyiin heer gobol iyo heer degmo, waxaanu madaxweyne ku xigeenku mudada uu joogo u kuur-geli doonaa xaaladda guud ee gobolkaasi.

 

Badhasaabka gobolka Selel Mawliid Muxumed Nuur ayaa ugu horreyn ka hadlay soo dhaweyntii madaxweyne ku xigeenka loogu sameeyay degmadda Xariiradd waxaanu yidhi “Weftiga uu madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland hoggaaminayo iyo golihiisa wasiiradda siweyn ayaanu u soo dhaweyneynaa gobolkii Selel, oo illaa saakaba(shalay) imikana mudane madaxweyne ku xigeenka waxaanu ku leenahay ku soo dhawaada”

 

Maayerka degmada Saylac ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmadda Saylac Sacad Daahir Dhinbiil ayaa sheegay in dugsi hoose dhexe oo ay ka hirgeliyeen degmadda Xariiradd uu ka mid yahay waxyaabaha laga fuliyey mashruuca GPLG-ga waxaanu yidhi  “Dhammaan waxaanu idin leenahay soo dhawaada waanu idin soo dhaweyneyna mudane madaxweyne halkan waxaa ka socda laba fasal iyo dayr aanu u dhisayno dugsiga hoose dhexe ee degmadda Xarriirad,

 

 

horena ka degmo ahaan todoba fasal ayaanu u dhisney, waxaanu ka mid yahay mashruucan imika socda mashruuca GPLG”

Ugu dambayna Madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,ayaa xadhigga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay xukuumddu ka fulisay gobolka Selal kuwo kale oo la bilaabayona dhagax dhigay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker