Wararkii ugu dambeeyay ee cooladda Sudan

Taliyaha Ciidanka howlgalka degdegga ah ee Suudaan, Maxamed Xamdaan Dagalo “Hemedti”, ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxay kawada hadleen in si “shuruudo la’aan” uu ku heli karo wada-xaajood ay yeeshaan isaga iyo Ninka ay ishayaan Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan si loo gaaro ” heshiis cadaalad ah oo dhamaystiran” oo horseeda in dalka Sudan nabad noqdo.

Taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa lagu waday in uu Hemedti kula kulmo khamiistii lasoo dhaafay dalka Jabuuti,balse kulanka ayaa dib loo dhigay ka dib markii uu markii danbe awoodi waayay in uu gaaro goobta kulanka sababo farsamo awgeed,sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan.

qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti aya lagu sheegay in qabanqaabin doono sidii labada nin dib loo midayn lahaa bishan Janaayo gudaheeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker