Siyaasi Xagalo-toosiye Oo Ka Hadlay Biyo-yaraan inay deegaano ka jirto Somaliland

Saleban Ciise Axmed Xaglatoosiye oo xilalka Wasiirada daakhiliga iyo caafimaadka ka soo qabtay xukuumadii Siilaanyo ayaa soo dhaweeyay socdaalkaas.

 

Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xagalo-toosiye)  ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Guul dublamaasiyaasadeed ayaan ku tilmaami karaa Socdaalkii Madaxweynaheena ee Dalka Itoobiya, Raysal-wasaaraha Itoobiya, si aad u qurux badan oo aad u qiimo badan buu u soo dhaweeyey Madaxweynaha iyo Wasiiradii la socday,qodobo muhiim ah oo loo baahnanaa labada dhinac wey ka wada hadleen, balse Madaxweyne Muuse Biixi mawqif wacan oo loo baahna ayuu ka istaagay arinta Somaliya, ha noqoto wada hadalka labada dal ama ha noqoto xidhiidh fiican oo ay yeeshaan labada dal”.

Dhinaca kale Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xagalo-toosiye), ayaa ka hadlay biyo yaraanta laga sheegayo inay deegaano ka tirsan Somaliland ka jirto, waxaanu ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaadho meel kasta oo dhibi ka jirto, waxaanu sidoo kale ku baaqay in dadka dhibaataysan ee Somaliland in la caawiyo, isla markaana gurmad deg deg ah loo fidiyo.

Siyaasi Saleebaan Ciise Axmed (Xagalo-toosiye)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker