Guul Darada Ku Dhacday Xukuumadii Axmed Siilaanyo Waa Inay Sheegan Kari Weyday Dedaalkii Mucjisada Ahaa Ee Ay Ku Bixisay Dhismaha Qaranka.

Masuulka Hawl Loo Dirayaa Wuxuu Asalkiisaba Ka Yimiday Bulshada,Bulshaduna Ma Wada Ahaan Karaan Dad Dhammaanba Hab-Dhaqan Wanaagsan,Daacad Ah Oo Wada Ceeb Ka Saliim Lagu Tilmaansan Karo, Balse Waa Hubaal Inay Ku Jirayaan,Shakh Siyaad Xun Oo Qaran-Nimada Dhaawacaya,Hoggaamiyihii Hawsha U Dirtayna Magaciisa Dilaya,Waayo  Xulashada Masuulka Ka Mid Noqonaya Xukuumad, Ee Madaxweynuhu Shaqada U Dirtaa  Awalan Waa Inuu Yahay Muwaadin Xaq U Leh, Ka Sokow Intaasna Waxay Ku Timaadaa Heer Aqooneed+Lagu Daray Hab-Beeleed, Balse  Hab Dhaqankiisa Gaarka Ah, Xumo Iyo Wanaag, Intuu Galo Intuu Gudo,Ta Uu Maanka Ku Hayo, Inta Laabta Ku Qarsoon,Cidda Ay Is Qardoofeen, Inta Uu U  Ciil Qabo,Inuu Yahay Qof Aamin Ah,Tuug Ilaahay Ka Go’ay, Ama Tuugad Ilaahay Ka Go’day,Madaxweynuhu Ma Garan Karo, Gurigiisa  Kuma  Korin, Ee Allaha Caalimaa Garan,Waxase Lagu Xaqiijiyaa Dhaar.

Sidaasi Awgeed Xukuumad Kasta Oo Timaada  Nooc Waliba Wuu Ku Jirayaa Ku Xun Iyo Mid Wanaagsan,Ee Inagoon Tirsanaynin Haddii Uu Jiray Shakhsi Hawshii Qarankee Loo Diray  Ka Hor Mariyay Tiisa  Gaarka Ah,Isla Markaana Eegayna Qiimaynta Guud Ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo Intii Wanaagsanayd Ee  Xubnihii Xukuumadiisa 7dii Sanadood Ee Ay Xilka Haysay.

Waxay Ahayd Tii Ugu  Waxqabadka Badnayd Intii Somaliland Jirtay Xukuumadii Uu Hogaaminyay Mudane Axmed M Siilaanyo.

Wax Badan Oo Aan Tiro Koob Lahayn Oo Xukuumadii Ka Horraysay Ku Fashilantay, Hagrasho Iyo Aqoon Darro Kay Doontoba Ha Ka Noqotee  Ayay Ku Guulaysatay Oo Taariikhda Galay,Gelina Doona Weligeed.

Hase Ahaatee Guul Darada Ku Dhacday Xukuumadii Axmed Siilaanyo Waa Inay Sheegan Kari Weyday  Oo Umadda Usoo Bandhigi Kari Wayday Wixii Ay Tacabka Iyo Dedaalka Mucjisada Ah Ku Bixisay Raadkoodiina Maanta Ka Muuqdo Dhammaan Gobolada,Degmooyinka Iyo Tuulooyinka Dalka Meel Kasta Iyo Hay’ad Kasta Oo Dawladeed Iyo Sidoo Kale Kobcinta Nolosha Mujtamaca.

Waxaan Qabaa  Hadii Ay Kow Iyo Laba  Bulshada U Horkeeni Laheed

In Dacowgii Dugsan Jiray Guul Darada, Ee Maalin-Dagaalka  Ka Jeclaa Dalka Iyo Dadkiisaba  Aanu Ka Daba Ciyeen  Maanta.

Goob Kastana Waxa Looga Taagi Lahaataallooyin Xusuus Qaran .

 

halyey cabdi nuur

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker