Daawo: Safaarada Maraykanka Ee Baqdaad oo Halis Gashay

 

Ciidamada ammaanka ee Safaaradda Mareykanka ee Baghdaad ayaa maanta u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa inay kala eryaan dibad-baxayaal Iran taageersan oo xalay oo dhan ku sugnaa irdaha safaaradda.

 

Kumanaan banaan-baxayaal ah oo Taageersan maleeshiyooyinka hubeysan ee Iraq, ayaa ku xoomay safaaradda.

 

Ayaga oo ka Cadhaysan duqeymo Mareykanka uu fuliyey oo lagu dilay 25 ka mid ah dagaal-yahanada taageersan Iran.

 

Dibad-baxayaasha ayaa ka gudbay barta laga kontoroolo Safaaradda oo ku dhex-taalla Aagga Cagaaran ee amnigiisa aadka loo ilaaliyo, si ay u gaaraan safaaradda.

 

Dibad-baxayaasha ayaa dibadda safaaradda ka dhistay qiyaastii 50 teendho iyo musqulo guura, waxayna ku dhowaaqeen inay ku sugnaan doonaan halkaas illaa ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Iraq.

 

Dibad-baxayaasha ayaa maanta ku dhowaaday darbiga kaliya ee u dhaxeeya ayaga iyo dhismaha weyn ee safaaradda, waxaana ay gubeen calanka Mareykanka.

 

Ayaga oo u jawaabaya, ayaa ciidamada amniga waxay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana lagu soo warramayaa inay dhowr qof ku dhaawacmeen.

 

Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Iran inay mas’uul ka tahay dibad-baxayaasha weerarka ku ah safaaradda, waxayna ku cadaadisay dowladda Iraq inay sare u qaaddo ciidamada sugaya amniga safaaradda.

 

Sidoo kale, Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ayaa Talaadada sheegtay inay ciidamo 750 askari oo dheeraad ah u direyso Bariga Dhexe.

 

 

Warkaasi oo Faahfaahsan Halkan Hoose ka Daawo:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker