Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Muuse Biixi Oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey saaka gobolka daad-madheedh
Oodweyne(OWN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee maalmahan ku jiray safarka shaqo ee qaar ka mida gobolada Dalka ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey saaka gobolka daad-madheedh iyo degmaada Ceel-bilcille, Ceel-same iyo magaalo madaxda gobolka Daadmadheed ee Oodweyne.