War deg deg ah : Midawga Yurub iyo Dalka Britain oo Heshiis Gaadhay

Dawlada UK ayaa ku guulaystay in midawga yurub ay la gaadho heshiis ay kaga baxayso kasii mid ahaanshaha midawgaasi.

Labada dhinac ayaa maanta wada gaadhay heshiiskii ay dawlada UK kaga bixi lahayd midawga yurub ka dib aftidii laga qaaday shacabka wadankaasi ee ay ku doorteen inay kaga baxaan midawga yurub.

Raysal wasaaraha UK Boris Johnson iyo madaxa midawga yurub Jean-Claude ayaa si wada jir ah warbaahinta ugu sheegay inay wada gaadheen heshiis buuxa oo ay UK ay kaga baxayso kasii mid ahaanshaha midawga yurub.

Raysal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa dhankiisa sheegay inay maanta ku guulaysteen inay midawga yurub la gaadhaan heshiis uu ku tilmaamay mid weyn “Waxaan filayaa in heshiiskani uu yahay mid u wanaagsan UK iyo Midawga yurub kaas oo ay suura gal tahay inay ka soo baxdo natiijo loo siman yahay.”ayuu yidhi raysal wasaaraha UK.

Dhinaca kale madaxa midawga yurub Jean-Claude ayaa dhankiisa ka hadlay heshiiskan ay la gaadheen midawga yurub, isaga oo ku tilmaamay “kani waa heshiis cadaalad ah oo miisaaman dhinac kastaba, muhiimadayaduna waa inaan raadinaynay heshiis xal ah.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker