Aaheey xeer ilaalinta Hargaysa by Amir Bidde

Waxa war farxad leh u ah dadka fikirkooga cabbira in maxkamadda Hargaysi dhulka ku masaxday dhammaan qodobadii daciifka ahaa ee xeerilaalintu soo dhoodhoobtay . Xorriyaddiisiina dib ugu soo celisay Abwaan Abees. Haddaba dabbaaldegga iyo rayraynta dadka dulmiga neceb ee arrintan ku faraxsani waxay aad bogaadinayaan Maxkamadda Hargaysa iyo go’aanka caddaaladeed ee ay gaadhay. Waxana bogaadintan saxaafadda kaga dhawaaqay Xildhibaan Nacnac. Xildhibaankan oo aad uga dhex muuqda xildhibaanada Somaliland. Wuxuu mudane Nacnac ku caan baxay la dagaalanka dulmiga ee xagga xukuumadda ka yimaad, wuxuuna aad ugu doodaa dadka tabarta yar een is difaaci karin.
Waxaa murug leh in xeer ilaalinta Hargaysi (maaha gobolada oo dhan) iyadoo ayna jirin qodobo adag oo xukun keeni kara inay qofka xabsi ku haynayaan illaa inta maalinta maxkamadda laga gaadhayo. Bal abwaan Abees xaaladdisa eega! laba bilood buu xabsiga ku jiray!
Xeer-ilaalintu waa inay miisaantaa waxa qofka lagu soo eedeeyey inuu yahay wax culus oo ay caddayn karaan hadhow marka la tago maxkamadda, oo xukun keeni kara.
Haddii arrintu fududahay ama adadgtahayba in lagu caddeeyo waa inay qofka yidhaahdaan dibadda ku sug maxkamadda, haddaan baxsi looga cabsanayn. Ama dad kale oo arrinta ku lug leh looga baqayn eedaysanuhu inuu dhib gaadhsiiyo.
Bal arrintan Abees eeg! wuxuu yidhiba way caddayd oo saxaafaddaa laga sheegay, cid wal oo caqli lihi way arkaysay inuuna wax qaldan odhan; oo ayna arrintiisu xadhig iyo maxkamad toona mudnayn. Laakiin xeer-ilaalinta Hargaysa waa mid dhega xidhan oo sharciga ka indha la’. Immisay dad carruurtooda u kallaha aroor walba oo biilkooda u ordaya ay eedayn madmadow ku jiro ay bilaash-xidheen, oo ku hayaan xabsiga bilo carruurtiina dayacan yihiin. Hadhowna maxkamaddu waxba ku waydaa! Dadkuna ma wada aha sida abwaan Abees dad saxaafaddu qaadaa dhigayso.
Xeer-ilaalinta Hargaysa waa in dib u habayn lagu sameeyaa, waa in ardayda jaamacadda sharciga ka soo baxda laga shaqo kaliyaa. oo odaydan Siyaad Barre ka hadheenka ah ee caqlogoodu yahay uun xidha meesha laga sifeeyaa.
Xeer-ilaalinta liidnimadeeda waxa kale oo kuu caddaynaya in markii maxkamaddu dhammaan ku wayday qodobadii lagu soo dacweeyey Abwaan Abees, inay isla markiiba, isla goobtiiba ka tidhi (xeer-ilaalintu) racfaan baan ka qaadanay go’aankan. Xataa waan ka soo tashanaynaa may odhan. Xataa go’aanka maxkamadda ayaan soo daraasanaynaa may odhan. Ee isla markiiba racfaan ayay la soo boodeen,iyagoo weliba raba in jeelka lagu celiyo abwaanka, si uu haddana muddo dheer ugu sii jiro xabsiga. Sidaasayna noqon lahayd oo jeelkaa lagu celinayay waxase damiintay xildhibaan Nacnac.
Waxaa in badan la arkay xaakimo indha la’aan u fuliya eedaynta xeer-ilaalinta, waana ta keentay hab dhaqankan xun iyo xisaabtan la’aanta xeer-ilaalinta.
 Markaa sababtaa ayuu xildhibaan Nacnac u bogaadinayay maxkamadda; waxay biriigga u qabatay xeer-ilaalintii sharcidarrada ku socotay.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker