Hawada Dalalka Ciraaq iyo Iiraan oo Looga digay Diyaaradaha Isticmaalaya

Waxa laga digay khatar ku timaada diyaaradaha iyo rakaabka ay wadaan hadii ay dul maraan hawada dalalka Ciraaq iyo Iiraan, waxana diyaaradaha waawayn ee digniintan la siiyay ka mid ah Air France, diyaarada Holan ee loo yaqaan KLM iyo tan jarmalka ee ee Lufthansa.

Hawada dalalkan ayaa ah marin muhiim u ah duullimaadyada u kala Safraya Yurub iyo Aasiya, in kasta oo ay jiraan jidad kale oo hawada ah oo Duulimaadyada loo weecin karo.

 

Sidoo kale diyaaradaha ay ka mid yihiin tan Poland ee LOT, Malaysia Airlines, Singapore Airlines, Switzerland International Air Lines iyo  diyaaradaha Australia ee Qantas ayaa iyaguna badalay jidadkooda gobolkaas ee ay mari jireen.

 

Waxyar un kadib weeraradii Gantaalaha ee lagu qaaday Saldigyada Maraykanka ee Ciraaq ayaa  Maamulka Duulista Hawada ee Mareykanka uu soo saaray amar uu diyaaradaha ka diiwaangashan Maraykanka kaga mamnuucayo inay dul maraan hawada dalalka Ciraaq, Iran iyo Khaliijka.

 

Sidoo kale Hayada Duulista Hawada ee Federalka Ruushka ayaa iyaduna soo saartay digniino tan la mid ah, waxana ay sheegtay in ay kula talinayso shirkadaha diyaaradaha ee Ruushka inay ka fogaadaan hawada sare ee Iran, Ciraaq iyo biyaha gacanka Cumaan.

Masar ayaa sidoo kale mudo 3 maalmood ah hakad galisay dhamaan duulimaadyadii tooska ahaa ee tagi jiray Baqdaad oo dalka Ciraaq ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker