Ciidanka Dab-demiska Oo Sheegay In Shaqada Laga Eryey Taliye Ku-xigeenka Ciidankaas Oo Muqdisho Ka Degay

Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland wuxuu halkan kaga jawaabayaa hadalo iyo qoraalo ay baahinayeen qaar ka mida warbaahinta Somaliland, kaasoo ku saabsanaa in Cabdixamiid Faarax Iidle oo ka tirsan ciidanka Dab-demiska Somaliland uu ka degay magaalada Muqdisho.
Hadaba Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan ka caddaynayaa in Cabdixamiid Faarax Iidle si toosa looga ruqseeyay ciidanka muddo hore, sababtuna ay ahayd qodobadan soo socda:
1. In shaqadii qaranka uu u hayay uu ka soo bixi waayay,isla markaana baalmaray hanaanka sharci ee ciidanka haday noqoto xeerka ciidamada iyo guud ahaan nidaamka shaqo ee ciidanka Dab-demiska.
2. In khilaaf hor leh uu dhex dhigay ciidanka muddadii uu joogay, taasoo uu noqtay mid uu caadeystay.
3. Faafida siraha ciidanka, iyadoo Cabdixamiid Faarax hab baal marsan shuruucda ciidamada uu uga hadlay warbaahinta, halkaasna ka sheegay hadalo aan munaasib ku ahayn hab maamuuska ciidamada qaranka, isagoo aflagaadooyin iyo dacaayado been abuur ah ku tiraabay.
4. Jaranjaro dhaaf uu sameeyay muddadii uu ciidanka Joogay, iyadoo dhacdooyinkaasina ay dhaceen muddo dhawr jeer ah.
Hadaba iyadoo arrimahaasi oo dhami jireen, noqdeena kuwo isdaba jooga, waxaa ciidamada Dab-demiska Somaliland siiyeen talooyin, digniino, iyo waanooyin isdaba jooga, kuwaasi oo loogu digaayey, hase yeeshee intaasi oo dhan kuma waantoobin, kumuuna waano qaadan wuxuuna ku sii socday arrimahaas kor ku xusan.Intaas kaddib waxaa uku waayey xubinimadii ciidanka Dab-demiska Somaliland.
Hadaba, asagoo taariikhdiisa halkan lagu hayo waxaa uu ka door bidey inuu sidii kuwii horeba xamar u tegey inuu ku caameeyo magaca uu shandad madhan u ku sito ee u xejisan garan waayey, taas oo uugu been sheego dadka aan garaneynin, waxaanuse ka war qabin hortii jire oo ka mansabad roonaaba iney dib isaga soo huleeleen iyega oo cafis iyo iqariyaay ku dambeeyeen.
Gebagabadii waxaa ciidanka Dab-demiska Somaliland halkan ku caddaynayaa in Cabdixamiid Faarax Iidle aanu ka tirsanayayn ciidanka Dab-demiska Somaliland muddo dheer horana looga qaaday masuuliyadii iyo xilkii uu hayay isla markaana laga Ruqsadeeyay Xubinimadii Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL, waxaana dhamaan warbaahinta iyo dadka kala duwan ee ka dhigaya inuu hadda uu ka tirsanyahay ciidanka Dab-demiska waxaanu u bayaaminaynaa in aanu gabi ahaanba muddo ka tirsanayn ciidanka Dabdemiska JSL.
Waxaa suaal ah Muqdishadu ma wexey tahay meel bahalo galeen ah oo wax yur ka yidhaahdaba aan haysanin? Mase ogyahay in Muqdishaduba isaga iyo qeyrkiiba ayka horeysa oo aanu dheyel dheyel iyo waxaan jirin baan ahaan jirey ka rumeysaneynin? Shimbirtii hadashey wexey tidhi wallee rag ladnaan ma xejisto, meel aanu u qalmin ayuu magac bilaash ku joogee waar iska alxamdulileyso ayaa seegtey, waxaana la yidhi balaayo kac oo guur amma guurso ayey ku tidhaahda, bal halagu eego geedigaad raratey halkaad ku guryo furato.
Ciidanka Dab-demiska Somaliland
Hargeysa/Somaliland
1 share
Like

 

Comment
Share

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker