Xasuusaha Macalin Sir Forgusan Lex iyo Man United

Wakhtigii guulaha, koobabka iyo farxadda ay ku jirtay Manchester United, waxay isku dayday inay lasoo saxeexato xiddigo waaweyn oo haddii ay kusoo guuleysan lahayd inay Old Trafford keento wax badan kusoo kordhin lahaa.

 

 

Tababare Sir Alex Ferguson ayaa waqtigii uu ka arriminayay United, waxa uu qaaday koobab badan oo kii ugu caansanaa uu  ahaa sannadkii 1999kii oo saddexlay koobab ah ay ku wada guuleysteen, sida Champions League, Premier League iyo FA Cup.

Laakiin markii uu ruug-caddaagani shaqada ka fadhiistay, waxa dib u noqotay kooxda, iyadoo lacagtii badnayd ee ay haysteenna ay awoodi kari la’dahay inay samayso dibu-dhis iyo in xataa ay kusoo laabtaan booskoodii.

 

 

Laga soo bilaabo 2013-14, Manchester United waxay ku jirtaa xaalad adag iyo mugdi ay xataa ku dhibaatoonayso inay usoo gudubto Champions League,

 

Waxaana taas u garab socoto guul-darrooyin dhinaca suuqa iibka ciyaartoyda ah oo iyagoo haysta lacag badan ay haddana ku fashilmayaan inay lasoo saxeexdaan ciyaartoyda waaweyn ee la rumaysan yahay in koox kasta oo ay tagaan ay isbeddel ka keenayaan.

 

 

Warbixintan waxa aanu idiinku soo gudbinaynaa xiddigihii Manchester United ay ku guul-darraysatay inay lasoo saxeexato.

 

 

Xiddigahan ayaa waxay iskugu jiraan kuwo uu Ferguson ku fashilmay saxeexooda iyo kuwo AFARTII tababare ee ka dambeeyey ee ay kusoo guuleysan waayeen inay keenaan Old Trafford.

 

 

 

Sannadkii 2011 markii uu Edwin van der Sar ku dhawaaqay inuu kabaha kubadda tiirinayo ayayuu tababare Solskjaer isku dayay inuu lasoo saxeexdo goolhayaha kooxda Bayern Munich ee Neuer oo waqtigaas ka tirsanaa Schalke, laakiin markii ay xaaladdu ku adkaatay ayuu u leexday dhinaca David de Gea oo waqtigaas joogay Atletico Madrid.

 

 

Lewandowski oo isaguna Borussia Dortmund u ciyaarayay ayay United saxeexiisa kusoo guul-darraysatay ka hor intii aanu Bayern Munich u dhaqaaqin.

 

 

Waxa kale oo liiskan ku jira Neymar, Robben, Ronaldinho, Modric iyo Toni Kroos, kuwaas oo dhamaantood aanay qarsoodi ahayn sidii ay Manchester United uga shaqaynaysay inay lasoo saxeexato.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker