Bulshada Degmada Ceel-afweyn Oo Taageero Ballaadhan U Muujiyey Xukuumadda Somaliland
Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ayaa taageero loogu muujiyey xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ugu horeyna waayeelkii, waxagaradkii iyo madax dhaqameedkii halkaas ka hadlay ayaa taageero xoogan ku taageeray xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo ku bogaadiyey dedaalkii nabadeynta ee ay degmadaas muddada u fadhiyeen xubnihii wasiirrada ahaa ee uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo mashaariicdii horumarineed ee ay deegaankaas xukuumaddu ka hirgelisay.
Waxa kale, oo ay masuuliyiintii madashaas ka hadashay ammaan iyo bogaadin u soo jeediyeen maamulka gobolka Sanaag oo ay tilmaameen in ay dedaal ugu jiraan adkaynta nabada iyo xasiloonida deegaankaas, waxayna intaas ku dareen waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco in ay meel wanaagsan marayso hawsheedu, iyaga oo u mahad celiyey xukuumaddii hore iyo xukuumadan hada talada dalka haysa oo ay xuseen in ay waxweyn ka qabteen waddadaas.