Ninkii Cunay Tobankii milyan ee kuweyt inagu caawisay ayaa wali soo taagan, iyo

Beryo dhexdii ah baan safar ku tagay caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Waxa aan sii maray Addis Ababa, Ethiopia. Garoonka diyaaradaha Addis Ababa aad buu iila qurux badnaa oo u weynaa laakiin waxa aan maqlay in caawimo loogu dhisayo. Markaan isbarbar-dhigay garoonka Hargeysa iyo ka Addis Ababa farqi weyn baan dareemay runtii.

Laakiin markii aan ka degay Entebbe, garoonka diyaaradaha ee Kampala, waxa aan arkay in aanu farqi weyn u dhaxayn garoonka diyaaradaha ee Hargeysa. Si kale hadaan u dhigo, Uganda oo dawlad weyn ah garoonkeeda caasimaddu wax badan ma dhaamin keena Hargeysa.

Waxa aan garwaaqsaday markaa, iyadoo aan la ina aqoonsan in aynu dhisan karaynay garoon diyaaradeed oo kan hadda Hargeysa ku yaal dhaami lahaa. Waxa igu soo dhacday $10kii Milyan ee Dawladda Kuwayt inagu taageertay si aynu u dhisanno garoon diyaaradeed oo caalami ah.

Isku soo wada duudooboo, garoonkeenaa dadka halkaa dhigay ayaa han siyaasadeed leh oo mansab kale inaga doonaya.

Afeef: Anigu uma jeedo dawladda hadda ayaa ka wacan tii hore ama ka musuq yar, laakiin waa in la diiwaan-geliyaa wax kasta oo dalkeena ka dhaca si loogula xisaabtamo marka aynu awood u yeelano.

Xigasho:Sharma’arke Ismaaciil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker