Natiijadii Imtixaanka GCSE 2018 ee Ingiriiska oo maanta ardaydii la guddoonsiiyey.

Maanta subaxdii waxa ay waalid badan iyo arday badan oo ku nool dalkan Ingiriisku ay ku xoonsanaayeen barxadaha dugsiyada sare ee waddankan, si ay u soo qaataan natiijadii ardayda ee Imtixaankii GCSEda sannadkan 2018ka. Sidoo kale waxa joornaallada dalkan UK ka soo baxa bogagga hore kaga qorraa wararka natiijada Imtixaankaasi oo aad uga geddisnaa GCSE yadii ka horreeyey, sida la sheegayna ahaa Imtixaan aad uga adag kuwii hore.

 

 

Arday badan oo Somaliyeed ayaa ka mid ahayd ardayda maanta natiijada loo soo celiyey, inta aan ka warqabana natiijadoodu aad ayey u fiicnayd. Waalid badan ayaana maanta la wakhti qaadanaya ilmahooda, si ay mustaqabalka uga wada sheekaystaan, amma isku qanciyaan natiijadani in aanay ahayn tii ugu danbeysey, balse ay immiga waxbarashadii u billaabantay.

 

Maaddooyinka ay ardayda UK galeen waa 14 maaddo illaa 20 maaddo ( GCSE ), darajada qorshaysan ee ay A, B, C, D, E, F ku kala heleenna waa number-da 9 oo u dhiganta A**, 8 oo u dhiganta A* iyo A, 7 oo u dhiganta A, 6 oo u dhiganta B, 5 oo u dhiganta B iyo C, 4 oo u dhiganta C, 3 oo u dhiganta D, 2 oo u dhiganta E iyo 1 oo u dhiganta F.

 

 

Dhinaca kale waxa muhiimadda la siiyaa maaddooyinka la yidhaa core subjects ee kala ah:  English oo laba maaddo ah, saddex maaddo oo Sciences ( Chemistry, Physics, Biology) ah, 3 paper oo Xisaab ( Math ) ah. Laakiin maaddooyinka kale sida History, Geography, Psychology, Spanish ama luqadaha kale iyo Computer tech waxa ay ku xidhan tahay haddii uu ilmuhu xiisaynayo amma uu doonayo in uu cilmi sare ka gaadho.  

 

 

 

Waxa aan shaki ku jirin in Waalidku yahay la taliyaha koowaad ee ilmaha, taageeraha koowaad ee ilmaha iyo caawiyaha koowaad ee ilmaha. In uu ilmuhu hore uga socdo marxalad wal oo la soo daristaana waxa ay ku xidhan tahay hadba xidhiidhka fiican ee uu la leeyahay Ilmaha. Nasiib darraduna waxa ay timaaddaa marka ay waalidka iyo ilmuhu is fahmi waayaan amma uu waalidku kaalintiisii gabo. Inkasta oo ay jirto mar uu ilmuhu uu qalloocdo, amma uu saaxiibbo xun yeesho, kadibna uu qaado dariiqyo qaldan. Balse ay taasi ku timiddo wax uu ilmuhu tabayo amma khalad soo galay noloshiisa, hase yeeshee aanu waalidku ka war-qabin.

 

 

Haddii aan dib ugu noqonno natiijadii maanta ee imtixaanka GCSEda, waxa marka hore mudan in aan hambalyeyno ilmihii natiijadaa helay oo dhan, ilmaha aan natiijada ku qancinna laga ilaaliyo niyad jab amma aanu waalidka Somaliyeed ilmihiisa ku oran….maxaad ula mid noqon weydey wiilka hebel amma gabadha heblaayo.

Mar kale

 

Maaddooyinka ay ardaydu galeen waa 14 maaddo illaa 20 maaddo, darajada qorshaysan ee ay A, B, C, D, E, F ku kala heleenna waa number da 9 oo u dhiganta A**, 8 oo u dhiganta A* iyo A, 7 oo u dhiganta A, 6 oo u dhiganta B, 5 oo u dhiganta B iyo C, 4 oo u dhiganta C, 3 oo u dhiganta D, 2 oo u dhiganta E iyo 1 oo u dhiganta F.

 

Dhinaca kale waxa muhiimadda la saarayaa maaddooyinka English oo laba maaddo ah, saddex maaddo oo Sciences ( Chemistry, Physics, Biology) ah, 3 paper oo Xisaab ( Math ) ah. Laakiin maaddooyinka kale sida History, Geography, Psychology, Spanish ama luqadaha kale iyo Computer tech waxa ay ku xidhan tahay haddii uu ilmuhu xiisaynayo amma uu doonayo in uu cilmi sare ka gaadho.

 

 

Ahmedweli Goth

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker