Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Siyaasi Maxamuud Xaashi, Tanaasuliddii C/Qaadir Jirde Iyo Xirsi Cali

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI   Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Ka Hadlay Wadda Haddalladda u dhexeeya Xisbiga WADDANI Iyo Siyaasiyiinta Uu Hogaaminayo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Tanaasuliddii Uu Guddoomiye Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde Dhawaan Uu Shaaciyey Inuu Ka Tanaasulay Jagaddii Guddoomiye Ee Xisbiga WADDANI.

Guddoomiye   Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Si Gaar Ah Ugu Mahadceliyey Guddoomiye Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Waxaanu Yidhi “Waxyaabo badan ayaa jiray, oo ay ka mid yihiin wadahadalo xisbigu kula jiray siyaasiyiin uu hogaaminayay Maxamuud Xaashi Cabdi oo sida aad ka warqabtaan wadatashi ayay Labadda Dhinacaba ku maqan yihiin, Waxaanan filayaa in ay iska soo gabagaboobmi doonaan Isha Allah wadda-tashigaasi”.
Sidoo kale Guddoomiye Cirro oo ka hadlaya loolanka loogu jiro hanashada Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ayaa yidhi “Waxaan ku dhiiraday in aniga oo aan wali Madaxweyne noqon aan idhaahdo kursiga Guddoomiyaha waa lagu tartamayaa, waxa aanay taasi muujinaysaa in xisbiga aanu qof lahayn.”

Ugu danbayn Cirro ayaa u mahadceliyey Siyaasi Cabdiqaadir Jirde “Raga Xisbiga ku jira qofkii ugu mudnaa wuxuu ahaa Cabdiqaadir Jirde, waa nin qaran oo gartay in uu u tunaasulo dhalinyarada kale ee Xisbiga.”
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Hadalkan Caawa ka Jeeddiyey Xaflad Casho Sharefeed Ah Oo Uu Xisbiga WADDANI ku casuumay Qaar Ka Mid qurbe-jooga taageera Xisbiga WADDANI Ee Dalka guddihiisa Ku Sugan Xiligan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker