Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi oo Ciidamo lagu soo daadiyay & Amaanka Xaafada oo la adkeeyay
Kadib goโaankii maxkamadda ICJ, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka Xaafadda Soomaalida Islii ee magaalada Naiorbi, halkaasoo lagu arkayay ciidamada booliska dowladda Kenya iyo gaadiidkooda oo ku sugan isgoysyada iyo wadooyinka soo gala xaafadaasi.
Guddiga ganacsatada ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwo xaqiijinaya ammaanka xaafada kadib goโaankii Maxkamadda ICJ oo laga baqay inuu rabshado ka abuuro xaafada Soomaalida Islii.