Sacuudiga oo u yeeray safiirka Sweden kadib falkii lagu gubay Qur’aanka

Sacuudi Carabiya ayaa u yeertay safiirka Sweden u fadhiya dalkaas, si ay u cambaareyso falkii lagu gubay Kitaabka Qu’raanka, oo Arbacadii ka dhacay dibedda Masjid ku yaalla magaalada Stockholm, waxaa sidaas maanta werisay warbaahinta dowladda.

Boqortooyada, oo hoy u ah labada goobood ee ugu barakeysan Islaamka ee Makka iyo Medina, ayaa horey Arbacadii u cambaareysay falkaas oo uu gaystay Salwan Momika oo ah 37 jir Ciraaqi ah oo ku nool Sweden.

Salwan ayaa ku istaagay kitaabka kahor inta aanu jeexin bogag ka mid ah oo dabadeedna dab qabadsiin, taasi oo dhalisay caro xoogga oo Sweden kaga timid dalalka Islaamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga waxay Axaddii u yeertay safiirka Sweden, si ay Sweden ugu booriso “inay joojiso dhammaan ficillada sida tooska ah uga hor imaanaya dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu faafiyo qiyamka dulqaadka, dhex-dhexaadnimada iyo diidmada xagjirnimada, islamarkaana wiiqaya ixtiraamka labada dhinac ee lagama maarmaanka u ah xiriirka ka dhexeeya dadka iyo dowladaha,” ayey tiri wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.

Gubitaanka Qur’aanka ee Salwan ayaa ku soo beegantay maalinta Ciidul Adxaa, islamarkaana la soo gaba gabeeyay gudashada waajibaadka Xajka ee sanadlaha ah ee dalka Sacuudiga, taasoo keentay caro baahsan.

Dalal ay ka mid yihiin Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta iyo Morocco ayaa sidoo kale u yeeray safiirada Sweden u fadhiyan dalalkaas.

Iran ayaa Axaddii sheegtay inay dib u dhigeyso safiirkeeda cusub ee ay u diri lahayd Sweden sababo la xiriira dhacdadaas.

Kulan aan caadi aheyn oo Axaddii uu ku yeeshay xaruntiisa Jeddah, ayaa Ururka Iskaashiga Islaamka wuxuu ku baaqay tallaabooyin midaysan oo looga fogaanayo gubitaanka qur’aanka ee mustaqbalka.

Booliska Sweden ayaa markii hore Momika siiyay ogolaansho, si waafaqsan waxa loogu yeeray ilaalinta xorriyadda hadalka, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa markii dambe sheegay inay fureen baaritaan ka dhan ah oo ku saabsan “kicin ka dhan ah qowmiyad”, iyagoo xusay in Momika uu bogag ka mid ah kitaabka ku gubay meel aad ugu dhow Masjidka.

Dowladda Sweden ayaa cambaareysay falkii Momika ee Axaddii, waxayna ku tilmaantay mid Islaam nacayb ah.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker