MAANSO: GAR ALLEE HARGEYSAAY. By Maxamuud Ibrahim (Xaaji)

Geedaha badh baa jira
Aan gudimo xiirtiyo
Loo quudhin goysmada
Goobaha waxaa jira
Kuwo Guulle doortoo
Laga weero gaalada
Geyigana badh baa jira
Gafaniyo qaniin iyo
Aan garab-cas lagu arag
Guunyada badh baa jira
Inta gorofyo loo culo
Laga buuxsho gaawaha
Gurgurshaa waxaa jira
Geeddiga la aammino
Oo gurboodka lagu raro
Qaar gammaanka waxa jira
Loo haysto gulufkoo
Gaadaha uun lagu daro
Wax gasiinka jira qaar
Aan gubanta laga helin
Hawd iyo ku yaal Godan
Xilkas geela waxa jira
Gaar loo banneeyoo
Kaa soorta guurtida
Gobolkeenna waxa jira
Falal laga geyoodoo
Gobannimada ceeb ku ah
Maansadan gudboonta ah
Gobo’deedu waxay tahay
Giddigood haweenkuba
Waa galool hadhweynoo
Gabadanada dayrtiyo
Laga galo cadceeddoo
Damal gedef leh weeyaan
Giddigood haweenkuba
Waa gacalo hooyiyo
Gabadhaada curad iyo
Garab iyo walaashaa
Marna waa geyaanoo
Marka calafku soo galo
Guri lagu negaadiyo
Gunno iyo sed weeyaan
Gaashaan mar weeyaan
Iyo geesi kula jira
Mar gasiin la quutiyo
Gogol iyo hu’ weeyaan
Marna Macallim gaariyo
Waa garaadka ina haga
Gadh-wadeen mar weeyaan
Iyo guusha noloshaba
Gaadiid mar weeyaan
Gosha iyo boggoo madhan
Iyagoon gasiin cunin
Gaajiyo haraad qaba
Guudkooda nagu sida
Marna gebi dugsoonoo
Gosha iyo ku yaal buur
Oo gararka sii rogan
Gabbalka iyo waagaba
Shinbiruhu ka gooshaan
Oo ubax guduud liyo
Kuwa midabo gaar lihi
Goosgoos u laacaan
Ooy afarta geesood
Balanbaalis garan iyo
Gaaraa-bidhaanadu
Gaala baxaayaan
Goonyahana duunyadu
Cosobka iyo geedaha
Iyagoon guntoodiyo
Aan xididka goynayn
Guudkaa ka daaqaan
Qurux inta is garab taal
Gar Allee haweenkaa
Gaar iyo wax sii dheer
Gal xareedi jiiftiyo
Gu’ barwaaqo weeyaan
Marna geenyo quruxloo
Loo feedho guudkiyo
Waa gallad la daawado
Gar Allee Hargeysaay
Gurigii jacaylkee
Gobannimadu taallaay
Gef baa faylka kuu yaal
Gashi iyo war baa jira
Gar Allee Hargaysaay
Garanwaagu waayahan
Waa geedka kaa baxa
Gabannadana kuu dhala
Iyo guubisyadan jaan
Gar Allee Hargeysaay
Gacan-qaad ha joogee
In guhaadba lagu dayo
Ma geyaan hablahayagu
Gar Allee Hargaysaay
Inantuu Garays dhalay
Iyo hooyadeed Gini
Rag inay ku goobtaan
In garaafo lagu dhigo
Sida good in loo dilo
Geyl-geyl in lagu sugo
Lagu rido god iyo jeel
Godob weeye kuu ugub!
Waxaa curiyey: Mohamoud Ibrahim (Xaaji)

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker