La-jaan-qaad, Geedi-Socodka Hayaanka Guusha ee Xisbiga Kulmiye, W/Q:- Cabdixakiin Rays
Hogaanka Sarre ee Xisbiga Kulmiye, haatan hogaaminayaa, waa
haldoor xula oo waqti-xaadirkan lagu jiro ku haboon hogaaminta dalka iyo guud
ahaan qarankaba, waa hogaan waayo arag ah oo u bisil badweynta siyaasadeed ee
guud ahaan dunida gaar ahaan geeska iyo gayigeena Somaliland-ba, sidoo kale waa
team isla-jaan-qaaday oo hadeer si fiican iskula haysta majaraha iyo
hab-maamulka xisbiga iyo xukuumadaba.
Sidoo kale waa hogaan u bisil inay hanaanka dimuqraadiga ah
ku hogaamiyaan xisbiga Kulmiye iyo guud ahaan dalkaba, waxaana cadayn
marag-madoona u ah, diyaarinta qabsoomida Shirweynaha Xisbiga ee lagu dhawaaqay
in 04 Oct 2020 oo wakhti yari inaga xigo ka qabsoomo caasimada Hargeysa, kaasi
qaban-qaabadiisu haatan ka socoto dalka, halkaasi oo ay cadeeyeen in cidii han
siyaasadeed oo hogaaminta xisbiga Kulmiye, lihi ay kaga loolanto, uguna
tartanto sida ugu haboon.
Hadaba maalmahan waxa baraha bulshada lagu arkeeyey
shaqsiyaad warar aan sal iyo raad lahayn la wareegaaya, oo borobogaando iyo
been abuur ka faafinaaya hogaanka Xisbiga.
Hadaba, xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, ayey u
taalaa cida ay u dooranayaan markale inay sii hogaamiyaan talada xisbiga, taasi
oo si daah-furan codka loogu tartami-doono shir-weynaha Xisbiga ee 4 Oct 2020
lagu dhawaaqay, halkaasi oo looga baahan yahay in uu ku loolamo ninkii han leh
re u heelan hogaaminta xisbiga, hungurina kaga jiro.
Xisbiga hada waxa hogaamiya oo hagaaya rag xul ah oo
xisbiyahana una bisil siyaasada kuwaasi oo ay hormood u yihiin.
1. Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna
Gudoomiyaha Xisbiga
2. Wasiirka Arimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, ahna
Gudoomiye Kuxigeenka 1’aad ee Xisbiga
3. Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) oo ah
Gudoomiye Ku-xigeenka 2’aad ee Xisbiga, isla markaasina ah hogaamiye
fir-fircoon oo haatan u darban dardar-galinta hawlaha iyo hogaaminta Xisbiga.
Iyo sidoo kale haldoor iyo siyaasiyiin kale oo culayskooda leh oo doorkooda
hogaamineed ka qaata, hogaaminta xisbiga iyo qarankaba.
Guntii iyo gaba-gabadii, ninka geedi-socodka hayaanka
siyaasadeed ee xisbiga la jaan-qaadi kari-waayaa, waxa u furan inuu halka uu
maraayo kaga dego hayaanka turxaan li’i, balse ma haboona xanaf iyo xag-xago uu
la daba ordo hogaanka Xisbiga
Alla Mahad leh
Qainkii: Cabdixakiin Rays
Email:cabdixakiinrays@gmail.com
Hargeysa/Somaliland