Dhul gariir hor leh oo ku dhuftay jasiirad ku taalla Wadanka Indunisiya.

 

Dadka waxay ka carareen guryahooda markii uu dhul gariirka bilaawday

Jasiiradda ku taalla dalka Indunisiya ee Lombok waxaa ku dhuftay dhul gariir kale oo xooggan kaddib markii labo toddobaad ka hor dhul gariir halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 460 qof.

Dhulgariirka uu cabirkiisa gaadhayay 6.3 cabirka dhulgariirada,inkastoo aanan la ogaanin ilaa hadda khasaraaha uu dhaliyay.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in dhul gariirka laga dareemay deegannada ku yaalla bariga jasiiraddan islamarkaasna ay dad badan ka qaxeen halkaasi.

Saraakiisha ku sugan dalka Indunisiya waxay sheegayaan inay weli qiimaynayaan xaaladda.

.

Afahayeenka waaxda ka hortagga masiibooyinka Indunisiya Sutopo Purwo Nugroho wuxuu yidhi ” Dhul gariirka wuxuu argagax ku riday dadka, wuxuu ku khasbay inay guryahooda ka cararaan”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker