Wasiir Axmed Shide Oo Noqday Wasiirka Maaliyadda Ee Afrika Ugu Wanaagsan

Majaladda African Leadership Magazine ayaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide u aqoonsan tahay inay siiso Billadda  Wasiirka Maaliyadda ee Afrika ugu wanaagsan sannadkii 2020.

War-murtiyeed ay Majaladdu Shalay soo saartay waxay ku soo bandhigtay Madax iyo Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira  Madaxda Hay’adaha Maaliyadda ee Afrika ee ay u aqoonsantay kuwii ugu wanaagsan sannadkan 2020.

Majaladda ayaa laba Wasiir-Maaliyadeed oo ka soo jeeda Afrika u aqoonsantay kuwii ugu wanaagsan Sannadkan.

Wasiir Axmed Shide ayaa noqday wasiirka keliya ee ka soo jeeda bariga Afrika ee ay majaladdu u aqoonsatay Wasiirka maaliyadda ugu wanaagsan Afrika sannadkan 2020.

Axmed Shide ayaa ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker