Ciyaaryahankii Hore Ee Arsenal Thierry Henry Oo Xidhaya Koontooyinka Baraha Bulshada iyo Sababta?

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Arsenal iyo xulka kubadda cagta ee Faransiiska, Thierry Henry, ayaa sheegay inuu isaga baxayo baraha ay bulshadu ku wada xidhiidhaan sababo la xiriiro midab kala sooc iyo handaad ka jirta guud ahaan barahaasi.

Henry, oo 43-jir ah, ayaa Jimcihii waxa uu farriin u reebay taageerayashiisa 2.3 milyan qof gaadhaya ee uu Twitterka ku leeyahay, isagoo sheegay in dhibaatadu ay tahay “dhibaato wayn oo aan la dafiri karayn”.

Waxa uu sheegay inuusan baraha bulshada ku soo laaban doonin illaa shirkadaha “ay sharciyo xakameeyo barahooda dajiyaan kuwaas oo soo taagan oo la mid ah kuwa ay kula dagaalamaan dadka ku xadgudba xuquuqda muuqaallada”.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker