Dagaalka Dhinaca Saliidda Ee U Dhaxeeyay Sacuudiga Iyo Ruushka Oo Xooggeystay.

Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Saudi Aramco ayaa Arbacada maanta ah sheegtay inay qorsheyneyso inay wax soo saarkeeda saliid ceydhin ay kordhiso hal milyan oo barmiil maalinkiiba, xilli uu xoogeystay dagaalka shidaalka ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Ruushka.

 

 

“Saudi Aramco waxay ku dhowaaqeysaa inay amar ka heshay wasaaradda tamarta si ay sare ugu qaado wax soo saarkeeda saliida oo hadda ah 12 milyan oo barmiil maalinkii, islamarkaana gaarsiiso 13 milyan,” ayey shirkadda ku tidhi bayaan ay u dirtay Suuqa Kala Iibsiga Saamiyada ee Sacuudiga.

 

 

Tallaabada Sacuudiga ayaa timid kadib markii uu burburay heshiis u dhaxeeyey dalalka ku jira ururka OPEC iyo kuwa aan ka midka aheyn, oo Ruushka ay qeyb ka tahay.

 

Sacuudiga ayaa markii hore soo jeediyey in la dhimo wax soo saarka saliidda 1.5 milyan oo barmiil maalinkiiba, si loola tacaalo dhaqaale xumada ka dhalatay cudurka Coronavirus oo yareeyey dalabkii saliida caydhiin ee caalamka. Hase yeeshee waxaa taas diiday Russia.

 

 

Dhowr sano ka hor, boqortooyada Sacuudiga ayaa meesha ka saartay qorshe ay wax soo saarkeeda saliida ceyriin uga badin lahayd 12 milyan oo barmiil maalinkiiba kadib markii hoos u dhac uu ku yimid dalabka saliida dalalka OPEC oo tartan xooggan kala kulmay shirkadaha Mareykanka ee soo saara shidaalka laga sameeyo dhagaxa.

 

 

Russia, oo ah dalka labaad ee dhoofiya saliidda ugu badan caalamka, ayaa Salaasadii sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u cusbooneysiiso wada-shaqeyntii dalalka OPEC, inkasta oo uu Sacuudiga kasii daray dagaalka kuna dhowaaqay inuu suuqyada caamalka kusoo farqi doobno shidaal badan.

 

 

Isku dhaca Sacuudi Carabiya iyo Russia ayaa 25% hoos u dhimay qiimaha shidaalka caalamka, taasi oo horseeday in guud ahaan suuqyada saamiyada caalamka ay qiimo dhacaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker