Waa Maxay Sababta ay Ciyaartoyda Seria A-da Talyaanigu Waji U Marsadaan Rinjiga

Sida ay sannad walba sameeyaan ciyaartoyda Horyaalka Serie A ee Dalka Talyaaniga ayaa rinji casaan ah marsada wajiga todobaadkan oo kale iyagoo qeyb ka ah ololaha looga soo horjeedo tacadiyada lagula kaco dumarka.

 

Si ay wacyigelin uga sameeyaan tacadiyada loo geysto dumarka ciyaartoyda horyaalka Talyaaniga ayaa rinji casaan ah ku calaamadeeyay wajigooda.

 

Ololahan ayaa sidoo kale ah mid ay ciyaartoyda sawir la soo galayaan xaasaskooda iyo saaxiibadooda kuwaasoo iyagana faruuryaha soo caseystay.

 

Ololaha lagaga soo horjeedo Tacadiyada ka dhanka dumarka ee horyaalka Serie A waxaa sannadkan hor boodaya Alessandro del Piero iyo Marco Matarazzi.

 

Hal ku dhiga ayaa ah in casaan loo taago tacadiyada loo geysto dumarka.

 

Kulamadii horyaalka Serie A ee xalay la dheelay Juventus ayaa 2-0 ku xaaqday Cagliari iyadoo labada goolba uu u saxiixay Cristiano Ronaldo.

 

Lazio ayaa iyagana 2-0 waxay kaga badiyeen kooxda Crotone iyadoo labada gool ay labadii qeyb ee ciyaarta ay u kala saxiixeen Ciro Immobile iyo Joaquin Correa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker