Urur Goboleedka IGaad oo Walaac ka Muujiyay Xaaladda.Qasan ee Ethiopia
Urur goboleedka IGAD ayaa muujiyay walaaca ay ka qabaan arimaha ka soo cusboonaaday itoobiya gaar ahaan gobalka tigreega halkaas oo IGAD ay si dhow ula socoto arimaha ka taagan.
IGAD waxay ugu baaqday dowlada itoobiya iyo dhinacyada ay arinta Khuseyso in ay dulqaad muujiyaan ayna ka shaqeeyaan hanaankii xiisada Loo qaboojin lahaa laguna xaliyo qilaafka wada hadal iyo dib u heshiisiin.
IGAD waxay tilmaantay in ay Aaminsantahay in itoobiya ay gobalka u tahay tusaalaha ama iftiinka xasiloonida iyo horumarka dhaqaalaha iyo waliba Tiirka Nabadda iyo Amaanka.
Ugu danbeynta waxaa IGAD ay rajeneysaa in dalka xaaladiisu caadiga ku soo noqoto si dhaqso ah iyadoo la soconeysa marxalada iyo wixii ku soo kordha_ba