Dowladda Suudaan Oo Sheegtay Inay Heleen Xabaal Wadareed cusub

Dowladda Suudaan ayaa shaacisay in la helay xabaal wadareed cusub oo la rumeysan yahay in dadka lagu aasay 1990-kii.

Xeer ilaaliyaha guud ayaa sheegay in xabaal wadareedka laga helay haraadiga 28 qof oo ka mid ahaa ciidamada milatiriga.

Waxaa la rumeysan yahay in saraakiishaas ay qeyb ka ahaayeen afgembi fashilmay oo la doonayay in xilka looga tuuro madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Al-Bashiir.

Iskudayga afgembigaas ayaa dhacay 1990-kii, Madaxweyne Cumar Al-Bashiir oo xukumayay Sudan muddo soddon sano ah ayaa xukunka lagaga tuuray dibadbaxyo dadweynahu dhigeen sanadkii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker